Warbixin sir ah oo shaacisay olole ka dhan ah Yahuuda oo ay ku lug leedahay Qatar

Berlin (Caasimada Online) – Qandaraasle amni oo la shaqayey sirdoonka iyo laamaha amniga ee Jarmalka ayaa shaaciyay eedo layaab leh oo ka dhan ah dowladda Qatar, kuwaas oo uu ku sheegay in Doxa ay maal geliso dhaq-dhqaqaaqa Xisbullah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay argagixisadda u aqoonsadeen, isla markaana ay ku dhawaaqday in Yahuudu ay tahay cadowga dalkan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka.

Wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa Germany ayaa markii ugu horreeysay waxaa uu wariyey in qandaraasle amni oo lagu magacaabo Jason G. uu helay faah-faahin weyn oo ku saabsan maal-gelinta Qatar ee Argagixisadda.

“G. waxaa uga Dooxa uga yimid warbixin aan fiicneyn. Waxaa jira heshiis hub oo ay ka mid tahay rasaasta dagaalka, kaasi oo lala galay dal ku yaalla bariga Yurub, isla markaana la doonayay in uu maamusho shirkad laga leeyahay Qatar. Waxaa jirta lacag maal-qabeeno Qatar u dhashay iyo dibad-joog reer Lebanon ah ay Doxa uga soo diraan Xisbullah. Deeqdaas waxaa la sheegay in la bixiyay iyadoo ay ogyihiin saraakiil saameyn leh oo dowladda ka tirsan, isla markaana lasii marsiiyay shirkad qayri ah oo degan Doxa” ayey qoreen suxufiyiinta rugcadaaga ah ee Die Zeit. waa  Yassin Musharbash iyo Holger Stark.

Wargeysku waxaa uu intaas ku daray in “baaritaan akhbaar sirdoon ka kooban oo uu arkay ay qaybo ka mid yihiin kuwo aad u weyn. Israa’iil iyo Mareykanka ayaa muddo isku dayay in ay meesha ka saaraan maalgelin Xisbullah. Cadeyn sax ah oo ku saabsan in Qatar ay lacag siiso ururada argagixisadda waxay kordhin doontaa cadaadiska saaran Qatar, waxayna keeni kartaa cuno-qabateyn.”

G. waxaa uu la kulmay Michael Inacker oo u shaqeeya shirkadda WMP ee Germany laga leeyahay, isla markaana ka shaqaysa xiriirrada dadweynaha, aadna ugu xiran diblomaasiyiin sare oo Qatar u dhashay. WMP waxay sidoo kale shaqo u qabataa dowladda Qatar.

Die Zeit waxaa uu wariyay in G. uu soo bandhigay arrimo dambi ku noqon kara Qatar oo ay Doxa ku dooneysay in ay baaritaanka uga iibsato qareen ku xiran Berlin iyo Inacker. Wargeysku waxaa uu sheegay in lacagta ay dooneysay Qatar in ay baaritaanka u iibsato ay gaareysay toban million oo Euro.

Ma cadda door uu Inacker ku lahaa ilaalinta qoraalka ku saabsan maalgelin Qatar ee Xisbullah. Inacker ayaase sheegay in jiritaanka Isra’iil ay door muhiim ah ka cayaartay jiritaankiisa.

Wargeysku waxaa uu Jason G. kasoo xigtay “in dhex-dhexaadinta Inacker darteed, ay jireen in ka badan 10 kulan oo dhex maray G. iyo diblomaasi u dhashay Qatar.”

Jason G. waxaa uu sheegay in uu 10,000 oo Euro uu diblomaasiga Qatar ka helay tiro dhowr jeer ah, sidoo kale uu 100,000 oo Euro ka helay bilo kala duwan.

Wargeyska ayaa baahiyay in Qatar ay G. usoo bandhigtay 750,000 oo Euro si uu uga aamuso aqoonta uu u leeyahay maalgelinta Qatar ee Xisbullah.

Kadib markii ay wadaxaajoodyadii bur-bureen, G. waxaa baaritaankiisii u bandhigay safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Berlin, isagoo u marsiiyay garyaqaankiisa.

Muddo ayaa Qatar lagu eedeynayey in ay maal geliso argagixisada Bariga Dhexe. Boqortooyadda ayaa deegaan siiyey ururka Xamaas oo Midowga Yurub iyo Maraykanku ay argagixiso u aqoonsanyihiin iyo weliba Taalibaan. Qatar waxay sidoo kale xiriir adag la leedahay Iran.