Somaliland oo shaacisay dhinac kale oo qeyb ka ahaa dagaalkii maanta dhacay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii maanta dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo ka dhacay deegaanka Diyaaradda oo 20 KM dhanka bari uga beegan magaaladaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii maanta ay qeyb ka ahaayeen maamulka Puntland iyo kooxo uu ku sheegay argagixiso.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay dharbaaxo kulul ku dhufteen ciidamadii weerarka ku soo qaaday, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda bariga Laascaanood.

“Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka  ee jooga jiidda hore ku sugan ee  Gobolka Sool” ayuu yiri wasiir Caateeye.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta maamulka Puntland-Soomaaliya.”

Beesha caalamka iyo dalalka deriska ayay sidoo kale xukuumadda Somaliland ku wargelisay in dowlad-goboleedka Puntland uu gacan siinayo kooxo ay ku sheegeen inay yihiin argagixiso.

“Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika”.

Dagaalka saaka ayaa yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay faarujiyeen saldhigyo dhowr ah oo ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood iyo aaggaga Tukaraq, islamarkaana ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Diyaaradda.

Si kastaba, Xaaladda Laascaanood ayaa faraha kasii baxaysa, waxaana dagaalka uu galay todobadkii afaraad, kaasi oo sababay dhimashada dad ka badan 150 qof iyo dhaawaca 500 oo kale.