Kiiska Cabdalla Muumin oo gaaray Golaha Shacabka – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Wariye Cabdalla Muumin.

Cabdalle Muumin oo ah xoghayaha ururka Suxufiyiinta SJS ayaa la sheegay in uu xiran yahay kiis dacwadeed ay kusoo oogtay wasaaradda warfaafinta, ayada oo kal hore lasii daayay, haddana maalmo ka hor laga soo xiray hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo tiradoodu dhan tahay 26 Mudane ayaa ku dooday in Cabdalla Muumin si sharci darro ah loogu xad-gudbay xoriyadiisa, iyaga oo dalbaday in si deg deg ah dib loogu soo celiyo xoriyadiisa.

Xildhibaanada Golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta 26 Mudane, ayada oo ajandaha kulankii maanta lagu daray mooshinkan ka dhanka ah xariga Cabdalla Muumin.

Intaas kadib mooshinka ayaa u gudbay guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta Golaha Shacabka, kaasi oo ka dhigaya qaraar kasoo baxay golaha, wuxuuna guddiga baari sheegay mooshinka.

Xildhibaan Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Mooshinkaan ku saxiixan ayaa waxa uu sheegay in sharci darrada loo maray xariga Cabdalla Muumin ay dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaankeeda.

“Sharci darada loo maray xariga dambe ee Cabdalla Muumin waxay dhaawac ku tahay dowladnimada, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ha iska ilaaliyaan dadka fashilinaayo dowladda ay madaxda ka yihiin,” ayuu yiri.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa laba maalmood kahor ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Magacyada Xildhibaanada saxiixay mooshinkan, ayaa waxay kala yihiin;

1. Xilldhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid
2. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
4. Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan
5. Xildhibaan Nasra Saalax Cabdi
6. Xildhibaan Duniya Cismaan Yuusuf
7. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif
8. Xildhibaan Maxamed Muxumed
9. Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamuud Daqare
10. Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir
11. Xildhibaan Cali Xasan
12. Xildhibaan Nasra Mahdi Caraale
13. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Ismaaciil
14. Xildhibaan Dr Saciid Maxamed Cali
15. Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed
16. Xildhibaan Aadan Maxamed
17. Xildhibaan Maxamed Cali Cumar
18. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar
19. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimu
20. Xildhibaan Faarah Cabdi Diini
21. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.
22. Xildhibaan Sahuur Xaaji Culusow
23. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble
24. Xildhibaan Cabdisamad Macalin Xasan
25. Xildhibaan Maxamed Shekh Nuur
26. Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise