Puntland oo war kasoo saartay sheegashadii Somaliland iyo dagaalka Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoostaga, kaasi oo maamulka uu sheegay in uusan qeyb ka aheyd.

“Waxaan cadaynaynaa in aan dowladda Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.

Eedeynta Somaliland ay maanta markale Puntlnad kula xiriiray dagaalka socda ayaa waxa uu maamulka ku sheegay “in aysan ka duwaneyn kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.”

Puntland ayaa waxay Somaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaanada gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.

“Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa dadka deegaanka oo u dagaalamaya naftooda, sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah.”

Dagaalka ka socda Laascaanood ayay waxa uu maamulka Puntland ku macneeyay dagaal gardarro ah oo keenay xasuuq shacab, Barakac baahsan iyo burbur baaxad leh oo aan horay noociisa loo arag.

“Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Maamulka ayaa ugu dambeyntiina garab istaag u muujiyey Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, oo ay sheegeen inay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitoonkooda iyo maskiirkooda bulsho iyaga oo nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn.