Somaliland oo shaacisay in cudurka Coronavirus uu soo gaaray magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si dad-ban u shaacisay in cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus uu soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkooda, oo ay ku nool-yihiin dad badan.

Somaliland ayaa sheegtay in cudurka Coronaha uu deegaanadeeda ku faafay, iyadoona ku boorisay bulshadeeda inay muujiyaan taxadar dheeriya oo ay ku bad-baadinayaan naftooda.

Saleebaan Koore, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo warbaahinta la hadlayey ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jawaabahooda maqan-yihiin dad laga qaaday dheecaanadii si loo hubiyo inay qabaan fayruska Corona.

Wasiir Koore ayaa isagoo arrinkaasi ka hadlayana waxa uu carabka ku adkeeyay in bulshada reer Somaliland aysan iska indho tirin cudurkan deegaanadooda soo gaaray oo ay is-diidsin.

“Maanta Xanuunku Hargeysa, Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gacan qaadka joojiya, qof ayaa dili kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliyad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta” ayuu yiri Wasiir Saleebaan Koore.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Dad ayaa tijaabadooda la wadaa wayna badan tahay, labadii qof ee hore waynu xaqiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxuu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin”.

Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in deegaanadeeda laga helay labo kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, iyada oo la aaminsan-yahay in tiradaasi ay ka badan tahay dadka qaba cudurkaasi, maadama aysan Xukuumadu sidii loo baahna uga howl-galin cudurkan.