Somaliland oo shaacisay in dadka kasoo jeeda koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa ka warbixiyey howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay dad u badan ganacsato, kana soo jeedo deegaan ahaan dhinaca koonfurta.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajiniibta kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo masaafurin doonaan dadkaasi, kana soo saari doonaan guud ahaan deegaanadooda.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Somaliland ay bilowday daad gureynta dadkaasi, iyada oo adeegsaneyo gawaari xamuul ah, sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay ballaariso howl-gallada ka socda halkaasi.