Ahlu Sunna oo qabsatay magaalo kale oo muhiim ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Sunna ay qabsatay deegaano dhowr ah, iyada oo dooneyso inay isku ballaariso deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas oo hoostaga Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jiray degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qaarka mid ah dadka dku dhaqan Ceeldheere ayaa Caasimada Online u sheegay inay gudaha deegaanka ku arkeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna oo wata gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax iska hor imaad ah uusan ka dhicin halkaasi, waxaana la sheegay in ciidamadii ku sugnaa ayka soo baxeen Ceeldheere.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Dhuusamareeb oo ay haatan isku horfadhiyaan labada dhinac.

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud, kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen, ciidama qaarna u goosteen, ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday.

Arrintan ayaa sii xoojineyo walaaca laga qabo inuu ka daro dagaalka cusub ee ay haatan lugaha la gashay Galmudug oo horey ula dagaalameysay kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug in meeshii ay kala dagaalami laheyd kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay Alhu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.