Beesha caalamka oo war kasoo saartay khilaafka ka taagan hoggaanka NISA iyo Wasaaradda Amniga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay uga hadashay khilaafka aan weli xalka loo la’yahay ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aadan hoggaanka wasaaradda amniga iyo hay’adda NISA.

“Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in si kastaba ay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah.

“Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherland, Norway, Qadar, Saudi Arabia, Sudan, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.