Daawo: Wasiir BEYLE oo sheegay arrin ka yaabisay markii uu yiri “Dhaqaalaha dalka sagxadda ayuu yaallaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah gaar ahaan dhaqaalaha, isagoo shaaciyey in guulo badan ay ka gaareen daqliga.

Wasiir Bayle ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inuu aad uga naxay, sida looga falceliyey hadal uu horey u siiyey warbaahinta oo ahaa in sagxadda hoose uu joojo dhaqaalaha dowladda, wuxuuna tilmaamay inuu la yaabay dad uu sheegay in ay u dabaal-dageen.

“Waxaa jirtay maalin aan iri sagxaddaan taaganahay oo aan dad Soomaaliyeed la hadlayey oo aan caloosheyda u soo xaaray oo aan ku iri, wax badan ma heynee na caawiya mushkilad taasi malaha oo wax waa la’is weydiin karaa, waxaanse la yaabay maalintii markaan sagxadda iri dadbaa dabaal degayba. Bal ka warran waxa ay u dabaal dageen Soomaaliya sagxadda ayey joogta?,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan laga soo gudbay xaaladdii adkeyd, isla-markaana ay dadaal ku bixiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka.

“Haddaba ha dabaal-dagin haddii aan iraahdo waddankeena wuu hooseeyaa, laakiin waa ka soo baxaynaa ayaa idin leenahay, waana ka soo baxnay dad u qalma inay ka soo baxaan waa nahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka maaliyadda xukuumada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in afar sano gudahood ay ku guuleysteen in laga cafiyo Soomaaliya qeyb ka mid daymihii lagu lahaa, laguna kalsoonaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Deyn cafintii wixii naloogu talagalay ayaan gaarnay waa nalagu kasoonaaday,” ayuu mar kale yiri wasiir Bayle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho, iyada oo weli lagu soo xulista xubnaha baarlamaanka.