25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Somaliland oo shaaca ka qaaday in sanadkaan ay heli karto aqoonsi – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in sanadkan uu yahay sanadkii ay heli lahayd aqoonsi caalami ah, marka la eego dadaallada xooggan ee socda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in sannadkan uu yahay mid rajadiisu sareyso marka la eego fursadda ay Somaliland ugu jirto in ay hesho aqoonsi caalami ah. Wasiirku wuxuu si cad u muujiyay kalsoonida uu ku qabo in dadaallada socda ee diblomaasiyadeed ay dhaxal keeni doonaan, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo shacabka reer Somaliland mudan yihiin in ay gaadhaan.

“Ictiraafku sanadkan maanta ah inala dhaafi maayo,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirka oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wuxuu baaq u diray bulshada Somaliland, gaar ahaan qurbajoogta ku sugan dibedda, isaga oo ugu yeedhay in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa riyada madax-bannaanida. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimo iyo wadajir dhab ah, si qadiyadda ictiraafka loogu guulaysto.

Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu tilmaamay in aqoonsiga aan laga sugayn quwadaha shisheeye oo keliya, balse ay saldhig u tahay kartida iyo isku duubnida shacabka Somaliland. Wuxuu carabka ku adkeeyay in haddii quluubta iyo maskaxda la mideeyo, ujeedada ictiraafka aanay sii fogaan doonin. “Waxa aynu u baahan nahay waa in aynu gacmaha isqabsano,” ayuu si kal iyo laab ah u yiri.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in dareenka qarannimo ee shacabka Somaliland uu sii xoogaysanayo sannad kasta, taas oo caddeyn u ah sida ay dadku uga go’an tahay in aanay ka tanaasulin himiladooda ah in ay helaan madax-bannaani buuxda. Sida uu hadalka u dhigay, waxa ay dadku muujinayaan dulqaad iyo go’aan sugan oo ku aaddan xaqiijinta himiladooda qaran.

Intii uu ku sugnaa Mareykanka, Wasiir Cabdiraxmaan ayaa kulammo la yeeshay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo qaarkood si furan u taageeray qaddiyadda Somaliland. Wuxuu sheegay in kulamadan ay muujinayaan is faham cusub oo u dhexeeya labada dhinac, iyo in danaha labada dhinac ay yihiin kuwo is khuseeya.

Wasiirku wuxuu rajo ka muujiyay in dedaalka xildhibaannadaas uu sababi doono in tallaabooyin sharci ah la qaado, kuwaas oo si toos ah u taageeraya aqoonsiga Somaliland.

Waxa uu xusay in ay horeyba u jiraan xeerar la horkeenay labada gole ee Maraykanka, kuwaas oo ay ka muuqato taageero dhab ah oo la siiyay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Ugu dambeyntiina wuxuu wasiirku ku boorriyay shacabka in ay si mideysan ugu diyaargaroobaan wejiga cusub ee la galayo, isagoo xusay in sannadkani uu noqon karo mid horseeda guul la taaban karo oo ay Somaliland ku gaadho aqoonsi buuxa.

- Advertisement -

Read more

Local News