Somaliland oo shaacisay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah iyo ‘halka uu ku qarxay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa qarax is-miidaamin ah, arroornimadii hore ee maanta.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo sida la fahamsan yahay si toos ah ugu socda beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in lix qof oo ka tirsan kooxaha argagaxisada oo qorsheynayay weerar is-miidaamin ah ay walxihii ay siteen ku qarxeen tuullada Sii-xawle.

Sii-xawle ayaa waxay ku taalla inta u dhaxeysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka Sool, ayada oo masaafo dhow u jirta magaalada Laascaanood ee ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

“Labo kamid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayay qaraxaas oo ahaa mid deg-deg ah, iyada oo afartii kale ay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

Sida laga fahmi karo qoraalka Somaliland qaraxan ayaa ahaa mid si ku tala-gal aheyn ku dhacay, meel aan aheyn bartilmaameedkiisi rasmiga ah, kadib markii ay ciidanka fashiliyeen isku-dayga ay damacsanayeen kooxaha argagixisada.

Somaliland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in falalkan argagaxa leh ay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka ay gaadhay, islamarkaana ay ciidamadeedu ay si joogto ah ugu taagan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda.

“Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada. Wada-shaqeynta iyo sirdoonka la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka Somaliland inay socdaan baaritaano la xiriira dhacdadaan, ayna gadaal kala wadaagi doonto bulshada reer Somaliland iyo caalamka.