Somaliland oo shaacisay inay joojineyso wada-hadallada Soomaaliya + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Mudane Feysal Cali Waraabe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo haatan hakad galay.

Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin illaa iyo hadda wax horumar ah oo laga sameeyey wada-hadalladaasi, wuxuuna taasi bedalkeeda xusay in Somaliland ay kala kulantay dhibaato aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in wada-hadalladu ay dib u dhigeen, sida uu shaaciyey ictiraafka ay Somaliland raadineyso, tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-dii.

Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in fasiraad qaldan laga bixiyey wada-hadallada, isla-markaana lagu sheegay inay labada dhinac ka wada-hadlaay sidii la’isugu soo noqon lahaa markale, sidaas daraadeedna ay gabi ahaan joojin doonaan sii socoshada wada-hadallada.

“Annagu wada-hadalladaas waaan joojineynaa haddii uu alle yiraahdo wada-hadalladii horeyna khasaare ayey innoo keeneen, dhibaato ayey innoo keeneen waxaa loo tarjumaaday markaan wada-hadallada billownay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wad-hadlayaan sidii ay mar dambe isugu noqon lahaayeen,” ayuu warsigan ku yiri Mr. Waraabe.

Waxa kale oo uu yiri “Taas waxa ay keentay in wadamadii na doonayey inay na ictiraafaan ay dib u joogsadaan, marka hadii uu ku adkeysan waayo madaxweynaha  inuu keeno go’aankaasi waxaan dooneynayaa inaan baarlamaanka geyno, maadaama aysan wax faa’iido ah noogu jirin,”

Ugu dambeyn guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa hoosta ka xariiqay inay haatan ka fakirayaan in si toos ah ay ula macaamilaan adduunka intiisa kale, si ay uga dhabeeyaan go’aankooda ee ay ku raadinayaan madax bannaani, su u helaan ictiraaf gooni ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo shantii sano ee ugu dambeysay aan horay loo sii dhaqaajin wada-hadalladan oo ka kala dhacay Jabuuti, Imaaraadka, Turkiga iyo Ingiriiska.