Doorashada LABA xildhibaan oo dooran oo maanta ka dhaceysa Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ee ayaa maanta lagu wadaa inay ka billaabato magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi oo lagu soo xulayo laba xildhibaan oo dooran.

Maamulka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay laba ka mida shantii kursi ee Khamiistii la iclaamiyay in maanta lagu dooran doono Dhuusamareeb.

Labada kursi ayaa kala ah: HOP26 iyo HOP104, waxaana sida aan xogta ku helnay kusoo bixi doono Yuusuf Geelle Ugaas oo cidna aysan kula tartami doonin HOP26, iyo Mahad Cabdalla Cawad oo loo xiray kursiga HOP104.

Axmed Aadan Safiina, Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhankiisa sheegay in labadaasi kursi ay soo dhameystirmayn diiwaangelinta musharaxiinta ku tartamaysa iyo weliba ergada wax dooranaysa, iyadoona ergada la tababaray, sida uu yiri.

Axmed Safiina ayaa musharaxiinta u taagan labadaasi kursi ugu baaqay in sagaalka (9:00) subaxnimo ee maanta ku soo xaadiraan hoolka doorashada ee Dhuusamareeb.

“Labadaas kursi waxaan codsanayaa musharaxiinta ku tartamaya inay sagaalka subaxnimo ku soo diyaargaroobaan hoolka doorashada ee Magaalada Dhuusamareeb,” ayuu yiri Axmed Safiina oo intaasi ku daray.

Odayaasha beesha Saleebaan Cabdall ee Dir ayaa horey u sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu diiday in si dhab ah loogu tartamo kursiga HOP104

“Axmed Kaariye Qoor-Qoor uu si bareer ah u yiri Nin ayaa heshiis kula galay, marka hore madaxweyne kursiga nin iskama laha ee beel dhan ayaa iska leh, waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya iskana leh Odaayasha beesha Saleebaan Cabdalle oo ka kooban sideed jufo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha.