Faahfaahin ku saabsan qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha iyo isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sarkaal lagu magacaabo Maxamed Daahir oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah sarkaalkii uu ahaa bartilmaameedka qaraxaas ayaa ka bad-baaday, waxaana ku dhaawacmay seddax askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale xogta aan ka helnay qaraxaas waxay tilmaameysaa in goobta uu ku dhintay wiil darawal ka ahaa Mooto Bajaaj goobta mareysay, xilliga uu qaraxu dhacay.

Waxaa xiran oo ciidamo badan ay isku gadaameen aagii kolonyada lagula beegsaday qaraxa oo ah isgoys mashquul badan.

Weli hey’adaha ammaanka wax faahfaahin ah kama aysan bixin qaraxaas, sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.