Xog: Dhaawacyada 12 askari oo caawa diyaarad looga soo qaaday Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online 12 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa caawa laba diyaaradood looga soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Ciidankaan ayaa galabta waxaa deegaanka Ceeldheere kula rogmaday gaari Cabdibile ah, xilli ay ka soo baxeen Guriceel, kuna sii jeedeen Dhuusamareeb.

Laba diyaaradood oo Qaramada Midoobay ay leedahay ayaa loo diray ciidamadaas, si loogu dabiibo Muqdisho, kuwaas oo caawa dhaawacyada ka soo qaaday garoonka Dhuusamareeb.

12-ka askari ee dhaawacyadooda caawa laga soo qaaday Dhuusamareeb waxay ka tirsan yihiin qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan qeybtaas ayaa noo xaqiijiyey in ciidankaan ay yihiin askartii Jeneraal Mascuud oo ah Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad.

Sidoo kale saraakiisha aan la hadalnay waxay sheegeen in dhaawacyada askartaan ay yihiin kuwo culus, taas oo sababtay in deg deg diyaarad loogu dalbo, si dhaawacyadooda loogu dabiibo halkii ku haboon.