SOMALILAND oo shaacisay inuu burburay saamigii Itoobiya ee dekadda Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga 19% uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee uu baahiyo muuqbaahiyaha Horyaal ayaa sheegay in Somaliland iyo DPworld oo kali ahi ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya anay waxba ku lahayn.

“Saamiga Dekadda Berbera waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland 35% ayey leedahay DPworld-na 65%,  heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yiri Wasiir Shire.

Wasiir Shire ayaa sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dowladda Itoobiya qeyb looga siiyay saamiga Dekedda Berbera, isla markaana uu jiray kaliya isfaham arrintaa la iskula soo qaaday, is fahamkaas oo markii danbe aan hirgalin.

“2017 bishii February, shir lagu galay Abu Dhabi oo qolada Itoobiyaan yimaadeen ayaa waxaa jiray isfaham ah in 19% la siiyo dowlada Itoobiya laakiin muu dhaqan gelin” ayuu hadalkisia si raaciyey .

Burburka ku yimid is fahamkii lagu doonayey in saami dhan 19% faa’iidada Dekedda Berbera lag siiyo Itoobiya  ayaa ka dhigan in DPworld ay yeelanayso 65%, Somaliland-na yeelanayso 35%, sida uu sheegay wasiir Shire.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray maamulka Somaliland, iyadoo la xasuustay inay Itoobiya horey u sheegtay inay 19% ku leedahay dakhliga kasoo xaroodo Dekadda Berbera.