FARMAAJO oo awood ku buriyey qodobkii ugu cuslaa HESHIISKA 9-kii Janaayo

Muqdisho  (Caasimada Online) – Qoddobkii ugu cuslaa ee ku jiray heshiiskii 9-ka bishaan ay doorashada ka gaareen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa u muuqda in uu buray, kadib markii ay ciidamada markale ku milmeen xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Qoddobka 16-aad ee ku jiray heshiiska Golaha ayaa dhigayay in ciidamada ay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasada, kuna eekaadan ilaalinta amniga dalka.

“Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka,” ayuu u dhigna qoddobkaas.

Burbur-ka qoddobkaas ayaa waxa soo dadajiyay kadib markii madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu ciidamo hor leh ka dajiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa Arbacadii laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradda oo sidday askar gaareysay illaa 50 askari ayaa saaka ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan waxa ay hordhac u yihiin ill 400 askari oo ay dowladda u qorsheysay inay geyso Beledweyne oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

Beledweyne ayaa waxaa yaala kuraas badan oo xildhibaan oo uu aad u doonayo madaxweyne Farmaajo, oo uu ugu weyn yahay kursiga la fahansan yahay inuu isku sharxi doono agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu geeyey Beledweyne ay tahay qalalaase uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ku sii hurinaayo xiisadda gobolka Hiiraan.

Mucaaridka ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu qaato masuuliyadda kaga aadan arrintaan, xaqiijiyana in ciidanka laga dhex saaro siyaasada, loona jiheeyo la dagalaanka argagaxisada Alshabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay qeybo kamid ah suuqa ugu wayn ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadii la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee muranka badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in ciidamadaas loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha Wasiirada.

Hase yeeshee, ma cadda haddii taliyayaasha ciidamada oo ku xiran Farmaajo ay maqli doonaan amarka Golaha Wasiirada.

Si kastaba, Ciidamada ayaa hore dhowr jeer si weyn ugu dhex milmay siyaasadda, ayada oo loo adeegsaday weeraro siyaasadeed oo ay ugu dambeysay isku-deygii lagu qabsan rabay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.