TURKIGA oo loo gudbinayo dacwad ka dhan ah ciidamada ay Soomaaliya u tababarto

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay ciidamada uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo geeyey magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa sheegay in ciidamada Haramcad iyo Gorgor ay dhowr jeer ka qeyb galeen dagaalo uu dano gaar ah ku wato Farmaajo, ciidamadaas oo ay tababartay dowladda Turkiga.

Waare ayaa sheegay inay ciidankan uga dacwoon doonaan dowladda Turkiga, oo uu sheegay in looga baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyso ciidamada ka leexday ujeedkii loo tababaray ee ahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

“Dowladda Turkiga oo ciidanka Beledweyne la geeyay tababartay dacwad rasmi ah ayaan u gudbineynaa, waxa aan ka dalbaneynaa in ay dib u qiimeyn ku sameyso siyaasadda amni ee Soomaaliya, ma waxa aad ciidan noogu tababartaan Ciidan aan ogeyn Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ra’iisul Wasaaraha meesha la geynayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa sheegay in ciidankan ay tababareen ee Gorgor ay saddex nin oo isku qabiil ah, oo kala ah Farmaajo, Jeneraal Biixi, iyo taliye urur oo uusan magacaabin, ay u adeegsadeen inay ku weerareen qabiil kale.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa dalbaday in laga hortago tacadiyo ka dhalan kara Ciidamada gaarka u tababaran ee Villa Somalia geysay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo buuq badan ka dhashay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadii shalay la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee muranka badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa shalay lagu sheegay in ciidamadaas loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

“Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha Wasiirada.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inuu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doonayo inuu u adeegsado kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaalada Beledweyne.