Qorshaha Farmaajo kadib kala shakigii Cali Guudlaawe

Beledweyne (Caasimada Online) – Laba maalmood ka hor waxaa qeyb kamid ah magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan la wareegay ciidan hubeysan. Ciidankaas waxay sharciyan ka tirsan yihiin militeriga Soomaaliya, laakiin hadda waxay ka shaqeenayaan difaaca doodda ay qabto beeshooda.

Hase yeeshee Arbacadii Farmaajo ayaa ciidan geeyey magaalada Beledweyne, kooxdii hubeysneyd ee magaalada soo gashay ma hor istaagin ciidanka tagay Beledweyne, maadaama aysan mas’uul ka aheyn ammaanka garoonka diyaaradaha oo ay halkaas joogaan ciidan Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidanka uu Farmaajo geeyey magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay dhowr Boqol oo Askari oo hubeysan, qaar kale ayaa la filayaa in lagu biiriyo sida wararka qaar sheegayaan, laakiin dowladdu ciidankaan uma geynin Beledweyne xasilin amni ama inay al dagaalamaan ciidankii qabsaday qeybo kamid ah magaalada.

Ujeedka ciidanka Arbacadii Beledweyne loo geeyey waxaa lagu sheegay mid doorasho la xiriira, xubno kamid ah maamulka HirShabelle ayaan kasoo xiganay xogtaan.

Ciidanka ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne waxaa la sheegay inay dageen xero ciidan ee la dhaho Lama-Galaay. Xiradaan waa meesha loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Beledweyne.

25 Kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa lagu dooran doonaa magaalada Beledweyne. Ciidanka maalin ka hor la wareegay qeybo kamid ah magaalada ma diidana in doorasho ka dhacdo Beledweyne, balse waxay cadeeyeen inay diidan yihiin in Cali Guudlaawe tago Beledweyne.

Kooxda Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeenayaa inay rabaan in awood 100% ah ay ku yeeshaan kuraasta taalla Beledweyne, waana sababta aysan waqti badan isaga gelineyn inuu Cali Guudlaawe tago Beledweyne, waxayna maalmihii dambe si weyn isugu soo dhawaadeen oo ay la shaqeystaan Yuusuf Dabageed oo ah ku xigeenka HirShabeelle.

Inta badan dadka magaalada Beledweyne waxay isku aragti ka yihiin in Beledweyne lagu doorto 25-kaas kursi, balse waxay ku kala aragti duwan yihiin in lala macaamilo maamulka HirShabeelle oo Cali Guudlaawe uu tago Beledweyne.

Mararka qaar lama wada dhihi karo maamulka HirShabelle ee waa diidmo u gaar ah Cali Guudlaawe kaliya, maadaama Yuusuf Dabageed iyo qeybo kamid ah xubnaha ku jira goleyaasha maamulka ay weli joogaan magaaladaas, kuna shaqeeyaan.

Villa Somalia hadda waxay la shaqeysaneysaa Yuusuf Dabageed oo ay si weyn isugu soo dhawaadeen tan iyo markii uu Cali Guudlaawe si aysan kooxda Farmaajo jecleysan u maareeyey doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Jowhar.

Diiradooda hadda waa kuraasta taalla Beledweyne, waana sababta ay Arbacadii ciidanka loo geeyey halkaas. Lama ogo haddii uu Cali Guudlaawe sidaas ku qanacsan yahay, laakiin maalmihii dambe waxaa jiray tuhun xooggan oo soo kala dhex galay Cali Guudlaawe iyo Villa Somalia.