Itoobiya oo qaaday tallaabo ay Somaliland sida dal madax banaan ula macaamileyso

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa markii u horeysay qaaday tallaabo u muuqata in si rasmi ah dal madax-banaan ugu macaamileyso Somaliland, kadib markii ay wakiilkeedii Somaliland u joogay u dalacsiisay safiir buuxa.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Itoobiya, Amb Siciid Maxamed Jibriil waxaa loo dalacsiiyay Safiirka Somaliland, halka marka hore uu ku howl-geli jiray “Wakiil”.

Safiir Jibriil ayaa markii hore Somaliland ku joogay heer qunsulnimo, iyadoo xafiiska Itoobiya ee Somaliland uu sidoo kale ahaa qunsuliyad, laakiin hadda taasi ayaa is badalaysa.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee safiir buuxa u soo magacaaba Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, hase yeeshe aan haysan aqoonsi caalami ah.

Hadda kadib, Amb Jibriil ayaa qaadanaya mansabka “Safiir”, wuxuuna noqonaya safiirka Somaliland u jooga dowlada Itoobiya, taasi oo muujinaysa isbedelka diblumaasiyadeed ee uu sameeyay safarkii u dambeeyay ee uu dalka Itoobiya ku tagay madaxweynaha Somaliland.

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa ku sugan wakiilo kala duwan oo Somaliland u soo magacaabeen dowlado xiriir ay leeyihiin, welina ma dhicin in dowlad kamid ah ay ku dhiirato inay safiir buuxa u magacowdo Somaliland, marka hadda laga imaado Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir saaxiibtinimo muddo badan la laheyd dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, waxayna hadda u muuqata inay daneynayso in markale ay sii wanaajiso xiriirka Somaliland oo hoos ugu dhacay saaxiibtinimada Abiy iyo Farmaajo.

Si kastaba, Booqashadii u dambeysay ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa waxaa loogu soo dhaweeyay si meeqaam sare ah, oo xataa lamid ah marka la is-barbar dhigo booqashooyinkii Farmaajo uu ku tegi jiray dalkaas.