“Sababta aan cadaalada ugu raadsaday Shabaab waa…”

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir sanadeedka golaha garsoorka Soomaaliya, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa caddaalad iyo inay bulshadu hesho garsoor lagu kalsoon yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay inay doorashada dalka kadib muhiimad gaar ah siin doonaan nooca uu noqonayo garsoorka dalka maadaama ay Soomaaliya qaadatay nidaam federaal ah, sharciyada uu ku shaqeynayana ay noqdaan kuwa la jaanqaada bulshada ayada oo la eegayo daruufaha dhaqan dhaqaale.

Shirka oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadaha, xeer ilaaliyeyaa, garsoorayaasha dalka, ururka qareennada,madaxda bulshada rayidka, aqoon yahanno Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda hay’adaha qaramada midoobay.

Iyadoo ay taa jirto hadana waxaa jirtay cadaalada ay bixiyaan Kooxda Dowlada kasoo horjeedo ee Al-Shabaab oo maamulo goobo badan oo ka tirsan Soomaaliya iyagoo sidoo kale sameyn ku leh gudaha arrimaha Soomaaliya.

Nidaamka cadaalada aan rasmiga ahayn ee Al-Shabaab ay ku maamulaan goobaha ay ka taliyaan ayaa noqday mid ay inta badan door bidaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo Shacabka qaarkood ay sheegen inay bixiso cadaalad joogto ah oo hufan islamarkaana degdeg ah oo aysan ka helin Dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxaa kamid ah ninkan oo ka gaaabsaday in magaciisa la sheego oo ka waramaya waxa ku qasbay in u cadaalad doonto kooxda Al-Shabaab ayaa yiri sidatan;

”Boos aan lahaa ayey maxkamadda Gobolka Banaadir Nin kale u xukuntay, kadibna waxaan aniga dacwad ka furtay Maxkamadda Al-Shabaab ee ku taalo Toora Toorow taariikhda markey aheyd 18/03/2020.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa wacday ninkii booskeyga loo xukumay, waxaana si wadajir naloogu balamiyey Ceelasha Biyaha maalin Isniin ah oo aan xasuusin taariikhda waxay aheyd, halkaasna waxaa naga qaaday gaari kuwa raaxada ah oo ay Al-Shabaab noo soo dirtay.

Dacwadeena waxay socotay muddo 44 Cisho ah, waxaana maxkamadda la hor geeyey dhowr Marqaati ugu dambeyna kooxda Al-Shabaab ayaa booskeyga oo ku yaalo Dayniile dib iigu soo celisay.

Xukunka markii uu dhammaaday kadib waxaa la iga qaaday lacag dhan 1500 Dollar oo ah adeegii garsoorka ee la ii qabtay, waana bixiyey haddana anigaa boskeyga gacanta ku heysto.

Ninkii igu heystay waxaa loo sheegay inuusan u dhawaan karin booskeyga mar kalana uusan dacwad ka furan karin maxkamadaha ku yaalo Muqdisho ee hoos taga Dowladda Soomaaliya”

Mar aan weydiinay Sababta ugu kalsoon yahay Maxkamadaha Al-Shabaab ayaa waxaa uu ku jawaabay sida tan?

”Aniga markii hore Maxkamadaha Dowladda ku kalsoonaa, markii aan arkay musuq-maasuqa ka jiro maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo cadaaladda darada waxaan raadiyey xogta maxkamadaha AL-Shabaab waxaana ii cadaatay in meeshaas ay cadaalad taalo, sababtoo ah waxaa arkay dad badan oo si cadaalad ah ay Al-Shabaab u kala xukuntay, Runtii maxkamadaha Al-Shababaab lacago musuqmaasuqa lama qaato, waa meel dadka lagu kala saaro shareecada Islaamka, markii uu xukunka dhaco kadib ayaa qofka dacwadda ku guuleysto laga qaadaa lacagta garsoorka taasna waxay u xiran tahay hadba inta ay la egtahay waxa la isku heysto”

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay marka ay u kala gar-qaadayaan ama go’aan ka gaarayaan dadka usoo dacwooda ay ku saleeyaan xukunka Islaamka, taasina ay tahay sababta ay dadweynaha ugu soo cadaalad doontaan halkii ay Dowlada aadi lahaayeen.

Mararbadan ayaa dowlada federaalka Soomaaliya digniino kasoo saartay in loo cadaalad doonto kooxda Al-Shabab, balse aad moodo in wali bulshada qaarkeed ay u cadaalad doontaan kooxda Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa waxaa ay fuliyaan qaraxyo dad badan ay ku dhinteen inkastoo inta badan dhulkii ay ka talinayeen ay ka saareen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo taageeraya dowladda Soomaaliya.

Maamul goboleed kamid ah Dowlada Soomaaliya oo ka duulayya in shacabkii ay doorbideen nidaamka cadaalada kooxda Al-shabaab ayaa waxay daah fureen maxkamad ay ku shegeen in ay wax ku xukmineyso Shareecada islaamka.

Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sanadii 2017-dii waxay fureen maxkamad shareecada islaamka iyo rafcaanka ah si ay uburburiyaan nidaamka cadaaladda ee Al Shabaab, balse waxaad moodaa in wali dadweynaha ay aminsanyihiin nidaamka kooxda Al-Shabaab ee aadka uguracan.

Xigasho: BBC Somali