Somaliland oo shaacisay sababta ay u diiday safarkii Abiy Ahmed iyo Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan yiri Raysul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed, kaasi oo ahaa inay Somaliland lumisay fursad ay ku imaan lahaayen magaalada Hargeysa, Raysul-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo jooga magaalada London ayaa ka hadlay arrintaasi, isagoona sheegay inaysan jirin wax dan ah oo ugu jirtay inay Hargeysa yimaadan Abiy Ahmed iyo Farmaajo.

“Somaliland maaha meel la iska soo galo, maaha dal la iska yimaado ee waa dal nidaam leh, waa dal kala dambeyn leh, Farmaajo uma taliyo Somaliland ee waxaa ka taliya Mudane Muuse Biixi, oo ah Madaxweyne xogogaal u ah dalkiisa iyo dadkiisaba oo kalsoonida shacabkiisa haysta, Farmaajana waxaynu ka war qabnaa in aanu gacanta ku wada hayn Magaalada Muqdisho, markaas wax dan ah iyo faa’iido Somaliland ugu jirta imaanshaha Farmaajo ma jirto” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Faa’iido aynu garan weynay oo imaanshihiisa iska hor tageyna ma jirto, ee Farmaajo dalka wuxuu iman kara oo qudha isagoo qirsan madax banaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, haddii aynu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliya ahaanu sidii laba dal oo jaara, oo wax badan iska kaashada, laakiin wax kale kama ogolin”.

Dhinaca kale, Wasiir Faratoon ayaa waxa kale oo uu ka hadlaya socdaal uu dhawaan Hargeysa ku yimid Madaxweynihii hore ee Nigeria, wuxuuna yiri

“Somaliland waa dal hore u socod iyo horumar ku jira, dabcan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ee dalka yimidna, aad iyo aad buu ugu qushuucay nidaamka dawladnimo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo kala dambaynta dalka ka jira, Wufuud iyo Wefdiyo badan oo Wadamada kala duwan oo Caalamka ka tirsana inay yimaadan ayaanu ku rajo weyn nahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com