Somaliland oo shaacisay sida ay mas’uuliyiinta hore ee DDSI ka yeeli doonto.!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu u dulqaadan doonin Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kasoo goosta Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo soo gala deegankooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha dibadda Somaliland Liiban Yuusuf Cusmaan oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida oo doonaaya inay usoo cararaan Somaliland hase yeeshee aysan aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan xiligaani diyaar u aheyn inay marti galiso danbiilayaal doonaya inay kusoo dhuuntaan deegankooda xili uu wanaagsan yahay xiriirka kala dhexeeya Ethiopia.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiir ku-xigeenka ayaa ahaa “Somaliland uma dulqaadan doonto danbiilayaal kasoo carara Ethiopia oo soo gala deegaanadeena, haddii ay dhacdo in lagu dhex arko gudaha Somaliland iyaga ayaa qaadi doona mas’uuliyada ka imaada xadgudubka ay sameeyen”

Waxa uu tilmaamay in mas’uulkii ama Sarkaalkii ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia usoo carara Somaliland ay ku wareejin doonaan dowladiisa waxa uuna intaa raaciyay in marnaba aysan Somaliland gabaad u noqon doonin danbiilayaal baxsad ah.

“Sharci ayaa qaban doona mas’uulkii ama Sarkaalkii nagu soo carara waxaanu u gacan galin doonaa dowladiisa waayo diyaar uma nihin inaan ku cayaarno xiriirka”.

Sidoo kale, Liiban Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha cakiran ee xiligaani ka jira dhulka Soomaalida Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay ku baaqayaan xasilooni iyo nabad lagu wada noolaado.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor Wasaarada amniga maamulka ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida oo la doonaayay in lasoo galsho Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com