Somaliland oo sheegasho yaab leh kasoo saartay dagaalka Laascaanood + Video

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde

Caateeye ayaa sheegasho la yaableh ka soo saaray dagaalkaasi, wuxuuna shaaciyay in ciidamada Somaliland ay ka hortageen weerar laba jiho ah oo lagu soo qaaday.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dagaalka maanta ka dhacay duleedka Laascaanood in ay soo qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya koox argagixiso ah iyo kuwo nabad diid ah.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaga oo ku sugan aagga bari fariisimaha Goojacadde waxaa kusoo weeraray ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaga oo kasoo weeraray laba jiho,” ayuu yiri Wasiir Cabdiqani Caateeye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka Somaliland ay dagaalkan ku qabsadeen 15 qoray, laba gaari oo dagaalka ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 20-tameeyo maxaabiis ah.

“Sida caadada aheyd ciidamada Somaliland waa ay ka guuleysteen cadowga, waxaana ay ka qabsadeen saanad milatari, laba gaadiid oo dagaalka ah, waxay qabsadeen 15 qoray iyo maxaabiis ka badan labaatameeyo” ayuu markale yiri wasiirka gaashaandhigga Somaliland.

Ugu dambeyntii waxa uu hambalyo u diray ciidamada milatariga Somaliland ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhammaan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oon u rajeynayo mar welba inay codowga ka guuleystaan,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaciyay inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.

Si kastaba, Laascaanood ayaa mudo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan labada dhinac.