Madaxweyne Xasan Sheekh: Indhaha lagama qarsan karo waxa ka socda Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ka socda muddo ka badan hal bil.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan indhaha laga qarsan karin dagaalka socda, oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan.

“Waxa socda raali kama nihin, way na gubayaan oo aan raali ka aheyn, kuna faraxsaneyn oo ku qanacsaneyn. Dadka dhimashadiisa iyo dhiigiisa daadanaya waa na quseeyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in qaddiyada meesha taalla ay tahay wax guud ahaan quseyso Soomaalida, islamarkaana loo baahan yahay in loo wada istaago wax ka qabashadeeda.

“Arrimaha meesha yaallo waxba igama gelin ma dhihin karno waa na quseeyaan qaddiyadaha meesha taagana waa na quseeyaan. Ha la wada fadhiisto oo ha la wada hadlo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadka dhintay ee Soomaaliyeed oo qaaliga ahaa waxaa caddeynaynaa in aan aad iyo aad uga xunahay, ugana xanuunsaneyno in badana aan ku baaqnay nabadda”.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in mushkilada ka taagan magaalada Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u baahan in miiska wada-hadalka lagu xaliyo.

“Dadka deegaankaas jooga siyaasad ayay isku haystaan, wax kale oo ka dhaxeeya inay jiraan ma qabo. Sida taariikhdii hore noo soo martay dadka Soomaaliyeed wax ka dhexeeyay ee siyaasad qaloocatay qoorta isku-galisay.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu maanta markale dagaal dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo si gaar ah uga dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaaladaasi.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa illaa hadda muuqan ifafaalo ay ku qaboobi karto shaqaaqadaasi, kadib markii ay burbureen waan-waan iyo dhexdhexaadin laga dhex waday labada dhinac ee isku haya halkaasi.