Somaliland oo shir caalami ah uga qeyb gashay Uganda

Kampala (Caasimada Online) ―  Somaliland ayaa kamid noqotay xubnaha ka qeyb galaya shir ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, kaasi oo ay isugu imaadan ‘Baarlamaanka dalalka barwaaqo sooranka’.

Shirkan ayaa waxa sanad walba ka soo qeyb-gala dalalka Barwaaqo sooranka oo ay sanadkan kamid noqonayso xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Shirka dalalka barwaaqo sooranka ayaa waxa Somaliland ku matalayey, isla markaana wafdigeeda hogaaminayey Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Yaasiin.

Waxa sidoo kale kamid ahaa wafdigaasi Somaliland, Guddoomiyaha arrimaha dibeda ee golaha wakiilada, Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha guud ee golaha, C/risaaq Siciid Ayaanle iyo Xildhibaan Maxamed Waabeeye.

Wafdigaasi Somaliland uga qayb-galayey shirkaasi, ayaa waxa ku marti-qaaday Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Musefeni, isagoona casuumad balaadhan u sameyay madaxda ka socday dalalkaasi barwaaqo sooranka ee ka qeyb-galayey shirkaasi baarlamaanka Barwaaqo sooranka.

Waxa sidoo kale xusid mudan in Wafdigan Somaliland ku matalayey shirkan, ay kulan la yeesheen maalintii Arbacadii Wasiirka arrimaha dibad Uganda, Sam Kuteesa, iyagoona kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Shirkan ka furmay caasimada dalka Uganda ee Kampala, ayaa waxa uu noqonaya shirkii 64-aad ee ay yeeshaan Baarlamaanada dalalka barwaaqo sooranka, iyadoona ay noqoneyso markii koowaad ee dalka Ugand marti-galiyo shirkaasi muddo laga joogo 52-sano.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa