Somaliland oo shuruud ku xirtay wada-shaqeynta QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay go’aankii ay xukuumaddiisa ku joojisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.

Biixi ayaa marka hore ku eedeeyey hay’adaha Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda federaalka, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Somaliland uusan metalin wakiilka QM u jooga Muqdisho, islamarkaana ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ula shaqeyneysa si wanaagsan, iyada oo aan la siyaasadeyneynin arrimaha gargaarka iyo taageerada caalamiga ah.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa shuruud ku xiray dib u soo celinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la lahaayeen Qaramada Midoobay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay doonayaan in loola macaamilo sida dal madax banaan oo kale, haddii ay taasi dhacdo kadibna ay ka laaban doonaan go’aanka ay horey u soo saareen.

Somaliland oo muddo sanado ah raadineyso ictiraaf gooni ah ayaa sheegata in Soomaaliya ay ka go’day sanadkii 1991-kii, balse illaa iyo hadda ma helin aqoonsi.

Dhowaan ayey aheyd markii wasaaradda qorsheynta Somaliland ay deegaanada maamulkaasi ka mamnuucyada inay ka shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay.