Mohamed bin Salman oo laga cabsi qabo in la dilo

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ka cabsi qaba in la dilo haddii uu raaco waddadii Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan oo uu xiriir rasmi ah la yeesho Israel, waxaa sidaas sheegay xubno xog ogaal ah.

Madawi al-Rasheed, oo ka mid ah mucaaradka boqortooyada, ayaa sheegtay in Mohamed bin Salman uu aad uga cabsi qabo inay dilaan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo loolan ugu jiri kursiga boqortooyada.

Madawi ayaa sidoo kale sheegtay inay jirto taaraikh hore oo muujineysa in qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada ay horey isu dileen.

Waxay sheegtay in amiiro iyo boqoro badan oo Sacuudiyaan ay horey u dileen walaalahood, adeeradood iyo wiilal ay waalid u yihiin, tan iyo qarnigii 19-aad.

Dilkii ugu dambeeyey ayaa ka dhex dhacay qasriga madaxtooyada 1975-kii, markii boqor Faisal uu dilay wiil uu adeer u yahay oo isna lagu magacaabay Faisal.

Aargudasho, is qiyaameyn iyo loolan awoodeed ayaa ka dambeeyey dilalka noocan ah, hase yeeshee marnaba shaqo kuma lahayn qadiyadda Falastiin iyo wax la mid ah.

Madawi ayaa hoosta ka xariiqday in Mohamed bin Salman uusan ku deg degi doonin inuu banaanka keeno xiriirka uu la leeyahay taliska Yahuudda, haddii uu qarin karo.

Waxay intaas ku dartay in bin Salman uu sii wadi doono ololaha baraha bulshada ka socda ee lagu baabi’inayo taageerada shucuubta Carabta ay u hayaan qadiyadda Falastiin illaa inta xiriir ay Riyadh la yeelato Israel uu ku noqdo mid la aqbalay, markaasi oo tallaabadaas aysan halis gelin doonin noloshiisa.