Somaliland oo si kulul uga hadashay diyaarad gargaar oo DF ka dejisay Buuhoodle

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si kulul uga hadashay Diyaarad siday daawooyin oo dowladda Soomaaliya ka dejisay deegaanka Buuhoodle.

Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaysan marnaba raali ka aheyn waxkasta oo siyaasad iyo dano gaar ah ku dhisanba, midaasi oo ay uga jeedo gargaarkii ay DF soo gaarsiisay degmo kamid ah deegaanadeeda inuu ahaa mid siyaasadeysan ee uusan aheyn gargaar bani-aadantinimo

Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeytna Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu eedeymo culus u jeediyay Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaankiisa oo suurtagaliyey in Dowladda Soomaaliya ay Diyaaradaasi ka dejiso Buuhoodle.

“Cudurkan Dunida ku baahaya si siyaasad la’aan ahbuu Adduunku wixii taageero ah iskaga geystay, taas oo macnaheedu yahay inuu adduunka oo dhami u wada gurmado, markaan leeyahay adduunka oo odhan baa iskaga gurmanaya, waxaa la iskugu gurmaday ,oo wax la iskugu tarayey si siyaasad la’aan ah, oo aan wax ku hoos jirin, waxaa jirtay in wakhtigan aynu joognay, in Buhoodle yimaadeen xoogaa dawo ah, oo ku saabsan Coronvirus-kaas oo Dawladda Fadaralka ka timid oo Wasiiro soo raacisay, in la isku gurmado ayaan u arkaa” ayuu yiri Wasiir Qambi.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Haddii  Xamar doonayso inay Buhoodle wax tarto, Hay’addaha samafalka ee marka horeba iyaga u keenay ayey soo raacin lahaayeen oo ay dhihi lahaayeen halkaas iyo meelihii kaleba geeye oo Somalidu wey is caawisaa, laakin tani taas may ahayn, waxaa ka muuqata siyaasad oo awalba xaaladooda siyaasadeed ay dhibaatooyin badan lahayd in dhibaatooyin badan ka dhacdo muujiya, taas oo deeganka dhib ku ah”.

“Waxaa jira qoloyo dagaal ogayaal ah oo reer Buhoodle ah oo Xamarna jooga oo had iyo goor wuxuu la carqaladayo ka shaqeeya oo ka dhigaya inay dadka wax u qabanayaan, haddii Dawladda Fadaralka ahi Buhoodle wax siinaysay Diyaarad bay soo saari lahayd, Odayashaa ayey odhan lahayd kala dega, wixii wax tar ah umadda wax loo baahan yahay weeye, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ku hayso dawlad siyaasadaynaysa waanu is hor taagayna, waana ka soo hor jeedna, waxna waanu ka muujinaynaa”.