Baarlamanka DD Soomaalida oo xasaanadii ka xayuubiyey 12 xildhibaan oo damacsanaa qorshe culus

Jigjiga(Caasimada Online)-Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaali Galbeed ayaa maanta xasaanadii ka xayuubiyey 12 xildhibaan, kadib muran sababay gacan ka hadal oo hareeyay fadhigii golaha.

Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka.

Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah.

Intaas kadib fadhigii golaha ayaa cod xasaanad ka xayuubin ah loogu qaaday xildhibaanadaas oo gaaraya 12 xubnood, waxayna xubnihii kale ee baarlamaanku ogolaadeen in xaaaanadda laga xayuubiyo.

Xildhibaanadaas ayaa kala ah:

Maxamed Axmed Layli

Axmed Aadan Axmed

Cabdiwali Axmed Faarax

Mahad Xasan Maxamed

Shaafi Cashiir

Nadiir Yuusuf Aadan

Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi

Yuusuf Cilmi Isaaq

Axmed Xasan Nuur

Yuusuf Axmed Xirsi

Nimcaan Cabdullaahi Xamare, iyo

Cabdiraxmaan Curaagte.

Inta badan jidadka iyo xaafaha magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lasoo dhoobay ciidamada Liyu-boolis, waxaana jira khilaaf culus oo soo kala dhex galay siyaasiyiinta deegaanka.

Horay siyaasiyiin u badan xildhibaano ayaa xukuumadda si weyn ugu dhaliilay in baarlamaanka aysan u madax baneyn shaqadiisa, waxaana horay isku casilay afhayeenkii baarlamaanka, kaas oo xildhibaanada maanta xasaanadda laga qaaday ay ku doodayeen in afhayeen cusub loo doorto booskaas, balse xukuumadda ayaa la sheegay inay ka cagajiideyso, in kastoo aan la cadeyn sababta.