Somaliland oo si kulul uga hadashay HUB ay dowlad carbeed ‘ugu deeqday’ DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si weyn uga hor-timid hub ay sheegtay inay dhawaan dowladda Masar ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabdiqani Fariid, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay hubkaasi la siiyay dowladda federaalka, xili ay dagaalo kala duwan ka wado gobolada dalka.

Cabdiqani ayaa hubkaasi la siiyay dowladda federaalka ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah cuno-qabateynta hubka ee golaha amaanka qaramada midoobay uu saaray Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladda Masar oo iyadu hubkaasi ugu deeqday dowlada dhigeeda ee Soomaaliya, iyada oo dhawaan ay ka hiilisay xiisada kala dhaxeysa dowladda Itoobiya.

“Dawladda Somaliland waxay aad uga wer-wersan tahay Dawladda Soomaaliya sida aanay u fulinayn Cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiirka gaashaandhiga Somaliland.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaanu cambaareyneynaa Dowladda Masar oo ku xadgudubtay Cuno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Arrintani waxay khatar weyn gelineysaa nabadda iyo xasilloonida Gobolka”.

Deeqdaasi hubka ah ayaa kusoo aadeysa xili ay Dowladda Soomaaliya taageero weyn la garab istaagtay dowladda Itoobiya oo xiisada xoogani ay kala dhaxeyso Masar, midaasi oo ku aadan wabiga Nile-ka.