Mareykanka oo kashifay kana digay qorshe cusub oo Ruushku ka billaabay Libya

Tripoli (Caasimada Online) – Militari-ga Maraykanka ayaa Ruushka ku edeeyay in uu diyaarado dagaal geeyay Libya kuwaas oo “dib astaamo kale loogu buufiyey” si loogu taagero calooshood u shaqayteyaal u dagaalamaya xoogagga uu hogaamiyo dagaal-oogge Khaliifa Xaftar ee jooga bariga Liibiya.

Eedeymahaan waxaa ay imaanayaan iyadoo Talaadadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu Khaliifa Xaftar u sheegay in xukuumadda Moscow ay taageereyso xabad joojin iyo wada hadal siyaasadeed, taas oo lagu gaari karo Dowlad loo dhanyahay.

Eedeynta Marayakanka ee ka dhanka ah Ruushka waxaa ay kordhineysaa in dagaal cusub uu kusoo kordho khilaafka sagaal sano jirsaday ee dalka Libya.

“Diyarado militari oo Ruushku leeyahay waxay u dhowdahay in ay taageero cirka ah siiyaan Xaftar,” ayuu war uu soo saaray ku sheegay Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa ee Africom

Africom ma sheegin xilliga ay diyaaraduhu u duuleen Libya, balse waxaa uu sheegay in ay “dhowaan ahayd”

Wasiirka Difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in aysan “hadda ka hadleynin” warka Africom. Laakiin Andrei Krasov oo ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamaanka Ruushka ayaa sheegay in eedeymuhu ay yihiin warar “been abuur ah”.

Dagaalka ka socda Libya ayaa isu keenay awoodaha dunida. Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa taageraya dagaalka Khalifa Xaftar uu muddo sagaal sano ah ka wado bariga Libya si uu u qabsado caasimadda Tripoli.

Si kastaba ha ahaate, todobaadyadii dhowaa, Dowladda Caalamku aqoonsan yahay oo ay taagerayaan militariga Turkiga ayaa dib uga riixay Xaftar meelihii uu heystay.