Golaha Wasiirrada Somalia oo ansixiyay ku noqoshada miisaaniyada 2020 ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaa cod loogu qaaday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka.

Kulanka ayaa lagu ansixiyey in lagu noqdo miisaaniyadda dowladda ee sanadkan oo dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kuwo howl fulineed.

Masiinayadda ay maanta ansxiyeen golaha wasaarradu in dib loogu laabto  ayaa look ala dhigay kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan cusub kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaalidda cudurka Coronavirus, doorashooyinka dalka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka lasoo dersay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Warkan ayaa lagu sheegay in dakhliga guud ee dowladda uu hoos u dhacay sababo la xiriira xanuunka COVID-19, iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso.

Hase yeeshee xukuumaddu waxay aaminsantahay in maadaama dalka deynta laga cafiyay la helayo kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca ku yimaada dakhliga gudaha ee dalka.

Kabka miisaaniyaddan oo ah guud ahaan dalka ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli uu dalku aad ugu baahan yahay.