25.4 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Somaliland oo sii deysay Kornayl Ciraaqi kadib wada-hadal dhexmaray iyaga iyo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sii daysay Kornayl Xasan Ciraaqi oo ka tirsan milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Sii-deynta sarkaalkan ayaa waxaa dadaal badan ku bixiyay madaxda dowlad deegaanka Soomaalida, kaasi oo wada-hadal lagu sii deynayo Kornaylkan la galay xukuumadda Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa soo hoggaamiyay guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ee Soomaaliya, wuxuuna ciidamada Somaliland u gacan galay kadib markii uu tegay magaalada Wajaale.

Ka hor xarigiisa, taliyaha waxa ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, isagoo 25-kii September uga sii gudbay magaalada xuduudda ku taalla ee Wajaale, gaar ahaan dhanka maamulka Somaliland.

Ciidamada ammaanka Somaliland ee Wajaale ku sugan ayaa markaas la sheegay inay aqoonsadeen wajiga taliyaha, ayna halkaas ku qabteen, iyagoo iska fasaxay qof kale oo la socday.

Xasan Ciraaqi ayaa markaas loo qaaday dhanka magaalada Hargeysa, oo uu ku xirnaa muddo toddobaad. Si kastaba, Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta Gorgor.

Waxa uu si joogto ah uga soo muuqan jiray warbaahinta, isaga oo hoggaaminayay howl-gallo kala duwan oo ka dhacay gobollo badan oo dalka ah.

Xiritaanka sarkaalkaan ayaa dhaliyay su’aalo badan, iyadoo la isweydiinayo sababta uu taliyahan, oo soo hoggaamiyay mid ka mid ah ciidamada ugu tababarka sareeya ciidanka Soomaaliyeed u tagay magaalada Wajaale oo ay ka arrimiso Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News