Somaliland oo soo faagaysa xabaal-wadareedyada dad la dilay xiligii Siyaad Barre

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay Magaalada Hargeysa laga helay laba Xabaal-wadareed, kuwaasi oo ay ku sheegen inay ku aasanyihiin Dad ay laayeen Milletarigii Soomaaliya xiligii Siddeetamaadkii.

Guddiga baadhitaanka Xasuuqyada u qaabilsan Somaliland ayaa sheegay inay ka heleen laba Xabaal-wadareed Xaafadda 150-ka ee Waqooyiga magaalada Hargeysa oo ay muddooyinkii u dambeeyay ka wadeen baadhitaano.

Agaasimaha Guddiga baadhitaanka ee Somaliland, Axmed Keyse ayaa faah-faahin ka bixiyay Xabaalaha ay heleen, wuxuuna yiri “Baadhitaankii Xasuuqa ayaanu wadnaa, 4-tii bishan waxaanu Xaafadda 150-ka ee Hargeysa ka helnay laba Xabaal-wadareed, labada Xabaal-wadareed waxa aad badan (Dadka ku aasan badan yihiin) ta Beerta ilma Dhamac, waxaanu Tacsiyadaynaynaa Dadka Dadkoodii halkaa lagu laayey ee Imika Lafahoodii hortooda dib loogu soo saarayo”.

Axmed Keyse ayaa waxa kale oo uu sheegay in marka dibedda loo soo saaro Lafaha Dadka Xabaal-wadareedyadaa ku aasan loo sameyn doonaa Aas-qaran “Dadkaa si wanaagsan baa loo aasi doonaa marka Lafahooda la soo saaro, waxaana loo samayn doonaa aas qaran” ayuu yiri Keyse.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com