Somaliland oo soo saartay go’aamo ka duwan kuwii hore oo ka hortaga COVID-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa maanta markale soo saartay go’aamo cusub oo ka duwan kuwii hore ee awaamiirta u badnaa, isla markaana qeyb ah ka hortaga cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus/COVID-19.

Somaliland ayaa sheegtay inay si deg-deg ah u hirgelin doonaan go’aamo cusub oo ay kamid yihiin dhimista canshuurta laga qaado ganacsatada deegaanadeeda iyo sanduuq ay xukuumada Biixi ku taagerayso dadka danyarta ah ee uu saameeyay cudurka Coronavirus.

Sacad Cali Shire, Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa arrimahaasi soo bandhigay xili uu magaalada Hargeysa kula hadlayey warbaahinta, isagoona carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay taakuleyn doonto dadka dhibaato dhaqaale ay kasoo gaadhay cudurkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumada uu tirsan yahay ay lacag dhan Hal milyan oo dollar ku shubi doonto sanduuq cusub oo loogu tala-galay in lagu taakuleeyo ganacsatada yar-yar ee ganacsigoogu uu ku baaba’ay xaalada Coronaha, wuxuuna yiri

“Dawladu waxay go’aansatay in cashuurta laga qaado raashinka soo daga ay hoos u dhigto 20%, raashinkaas oo ay ka mid yihiin daqiiqda, bariiska, saliida,sonkorta iyo baastada, waxaanay dawladu go’aansatay inay si dhaw ula socoto ascaarta daruuriyaadka ah oo ay ka mid yihiin raashinka, dawooyinka, shiidaalka iyo agabka lagaga hortagayo Covid-19”.

“Waxa kale oo ay dawladu samaysay sanduuq loogu tala-galay in laga taakuleeyo dadka ay dhibaatada dhaqaale ka soo gaadhay xanuunka coronavirus, sanduuqaasna waxay ugu tala gashay inay ugu tabarucdo. Waxa kale oo xukuumadu samaysay sanduuq loogu tala galay in laga taakuleeyo ganacsatada yar yar ee ganacsigoodu kaga baaba’ay ama kaga daciifay intii xanuunka Coronavirus ina soo galay waxaanay dawladu ku shubaysaa halmilyan oo doolar”.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Waxa kale oo ay dawladu ku shubaysaa sanduuqii ay hore u samaysay ee ka hortaga Covid-19 hal milyan oo kale iyada oo hore loogu shubay shan boqol oo kun oo doolar”.

Somaliland ayaa iyadu si weyn ula daala dhaceysa saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka Coronavirus, iyada oo cudurkaasi uu kusii dhex-fidayo bulshadeeda, inkasta oo ay dhowaan xukuumadu qaadatay go’aamo ay muddo badan ka dhago adeygaysay oo qeyb ka noqonaya faafida Covid-19, sida joojinta Qaadka yimaada deegaanadeeda.