Yuusuf Garaad oo jawaab ka bixiyey shan su’aalood oo ka dhashay taageeradiisa heshiiskii JUBBALAND

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo uu sheegay inay ka dhasheen taageerada uu u muujiyey heshiiska ay gaareen Axmed Madoobe iyo mucaaradka Jubaland.

Hoos aqriso qoraal uu arrintan ka diyaariyey Yuusuf Garaad.

Tan iyo shalay markii aan taageeray una hambalyeeyay heshiiska Jubaland ee ka dhacay Nairobi, waxaa igu soo dhacayay farriimo iyo su’aalo la isku dayayo in la i baro in aan khaldan ahay.

Su’aalaha qaarkood igu soo noqnoday shan ka mid ah iyo jawaabahooda ayaa kula wadaagayaa.

  1. Sow ma ogid in heshiiska ay gaareen saddex nin oo isku reer ah?

Siyaasiyiin isku reer ahi in ay dagaal isaga hor yimaadaan, wiilal badani ay ku dhintaan, qaar kale ay ku naafoobaan, burbur hanti iyo barakac horseedaan ma aha wax Soomaaliya ku cusub.

In aan taasi dhicin oo khilaafka lagu xalliyay wadahadal heshiis dhalay darteed ayaan u taageeray.

  1. Sow ma ogid in ay Nairobi oo dal shisheeye ah ay ku kulmeen?

Waa laga wanaagsanaa, laakiin ma aha Heshiiskani kii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka dhacay Nairobi.

Inta aan garan iyo inta jecel in ay illowdo, 2004 Dowladdeenna oo dhan Baaralamaan, Madaxweyne iyo Xukuumad ayaa lagu dhisay Nairobi.

Haddana ciidankeeda ayaa jooga Soomaaliya.

Duddun in aad dugsato iyo kala daa in aad dareensato.

Intaas keliyihi kama dhigi karto heshiiska mid aan mudnayn taageero.

Hadda in aan ka gudubno waa ay ahayd in caasimad shisheeye lagu wadahadlo.

Damiirka nadiifka ahi wuxuu dalbeyaa in aan is weydiinno su’aasha ka muhiimsan maxay Nairobi ugu shireen?

Waa su’aasha ah maxaa kallifay in 2020 ay siyaasiyiin Soomaaliyeed u baahdaan in ay Nairobi ku soo heshiiyaan?

  1. Sow ma ogid in aan Dowladda Soomaaliya qeyb ka ahayn wadahadalka?

In uu Federaalku qeyb ka yahay wadahadalka waan jeclaa. Waxaanse ka sii jeclaan lahaa in uu isagu marti geliyo.

Labada midna ma dhicin.

Meesha ay hadda wax marayaanna waxaan jeclaa lahaa in uu Federaalku heshiiska soo dhoweeyo. Taas oo fududeyn lahayd is-af-garad lagu xalliyo khilaafka inta harsan.

  1. Sow ma ogid in Baarlamaanka Jubaland kuraastiisa loo qeybsaday hab lagu duudsiyay beelaha qaar.

Eeg saamiga Beesha Mushunguli. Hal Xildhibaan oo keliya ayaa la siiyay.

Anigu duudsi ma taageerin. Kamana hadal kuraas Baarlamaan iyo kuwo kale toona. Kama hadal waxyaabaha Jubaland ka jira ee sixidda u baahan oo dhan.

Waxaan taageeray khilaafka laga heshiiyay oo keliya.

  1. Sow ma ogid in ay u mahadceliyeen Putnland oo keliya?

Inta kale oo dhan marka aan meel iska dhigo, Federaalka iyo markii ay is khilaafeen Jubbaland, Puntland waxay noqotay Dowlad Goboleedka keliya ee si aan kala har lahayn ula safatay Kismaayo.

Markaa ma biciidsanayo, mana jirto sabab aan u dhibsado in Jubaland ay u mahadceliso Puntland.

Doodda ku saabsan Jubaland iyo siyaasaddeedu waxay leedahay wajiyo badan oo aad looga dooday. Reerka Gobolka “leh” iyo midka aan “lahayn.” Kan ugu badan iyo midka ka badan. Midka asalka ah kan doolka ama duullaanka ku yimid.

Aan ku xusuusiyee, doodahaas oo dhan waxay na dhex marayaan annaga oo ciidanka Kenya magan uga ah in ay noo ilaaliyaan Kismaayo iyo degaanno kale oo Jubbaland ah.

Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.