SOMALILAND oo taliye sare looga dilay DAGAAL culus

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyihii Boolsika degmada Xudun ee gobolka Sool, Cismaan Maxamuud Saalax ayaa maanta ku geeriyooday iska hor-imaad ka dhacay degmadaas, sida uu xaqiijiyey maayirka degmada Xudun.

Maxamed Jaamac Xirsi, maayirka degmada Xudun ee gobolka Sool oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in Taliyaha uu ku baxay iska hor-imaadkaas oo u dhaxeeyay ciidamada iyo kooxo soo weeraray saldhiga booliska Xudun.

“Howl-gal laga galayay degmada ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii saldhiga booliska, waxaan tacsi u direyna ehelladii uu ka geeriyooday iyo dhamaan dadka reer Xudun, tacsi baa uga direynaa falkaas dhacay ee foolxumada lahaa,” ayuu yiri.

“Waxaa ku dhaawacmay nin askari ah oo saarna gaadiidkii nooga yimid Laascaanood, meel xun ayey xabadu kaga tiiley inkasta oo uu iska ladnaa, waxaana ku celinay Laascaanood.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka kooxda uu daba socday gaari khamri ah oo ay gacanta kusoo dhigeen iyo raggii waday, oo ay ku xireen saldhiga booliska Xudun.

Maayir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ciidamo yari iyo mukhadaraadka oo uu sheegay inay faro ba’an ku hayaan deegaanadaas, isagoona ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay kala qeyb qaatan sugida amaanka.