Sawirro: General Muhoozi oo Villa Somalia kula kulmay Farmaajo iyo Rooble, xilli la faro-geliyey khilaafkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa soo faro-gelisay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Generaal Muhoozi oo uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa la geeyay madaxtooyada, ayada oo uu la kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay Muhoozi iyo Saraakiisha ku wehlinayay safarkiisa kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha.

Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka.

Si kastaba, Wafdigan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Ugand uu sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, haddii aan xal loo helin khilaafka madaxda sare ee dalka, taasi oo wax u dhimeysa howl-galada amaanka.

Museveni oo xiligaas la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is-jiid-jiidka weli ka jira qabsoomida doorash ooyinka dalka.

Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego ciidamada waddamada ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.