SOMALILAND oo toogasho ku fulisay 5 QOF + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta ciidanka ammaanka ay toogasho ku fuliyeen illaa 5 nin oo horey dilal uga geystay deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo horey xukun maxkamadeed loogu ridday.

Toogashada ayaa dhacday xabsiga weyn ee Mandheera, halkaas oo ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dadweyne kale.

Shanta qof ee la toogashada qisaasta ah lagu fuliyey ayaa kala ahaa 1-Ayaanle Axmed Ismaaciil, 2-Cabdirashiid Maxamed Askar, 3-Liibaan Khadar Aadan, 4- Xamse Cali Ismaaciil, 5- Xuseen Carab Muuse oo dhammaan lagu eedeeyay inay horay dilal u gaysteen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay toogashada saaka lagu fuliyay shanta nin.

“Waxaan idinla socodsiinayaa in aan maanta oo ay taariikhud tahay 1-11-2023 abaaro 7:30 subaxnimo dil toogasho ah lagu fuliyay degmada Abdaal, gaar ahaan Mandheera shan maxbuus kuwaas oo kal ah: 1- Gacan ku dhiigle Ayaanle Axmed Ismaaciil 2-Ganac ku dhiigle Cabdirashiid Maxamed Askar 3-Gacan ku dhiigle Liibaan Khadar Aadan 4-Gacan ku dhiigle Xamse Cali Ismaaciil 5-Gacan ku dhiigle Xuseen Carab Muuse” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu xeer ilaaliyuhu intaasi ku daray in fulinta qisaastan ay u mareen sida ay qabto shareecada islaamka iyo qodobada xeerka ciqaabta ee ay ku dhaqanto Soomaalida.

“Fulinta qisaasta waxaa loo cuskaday si waafaqsan shareecada islaamka aayadaha 178, 179 Suuratul Baqara ee Qur’aanka kariimka ah iyo qodobada 434 XCG iyo 246 XHC” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland,’

Dhammaan xubnaha la toogtay ayaa waxaa toogashadooda saxiixay madaxweyne Muuse Biixi, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale mas’uuliyiinya goobta ka hadashay ayaa farriin adag u diray dadka dambiyada ka geysta magaalooyinka maamulkaas, iyaga oo shaaca ka qaaday in cid weliba oo dil geysata cadaalada la marin doono islamarkaana la geynayo tiirka toogashada.

Si kastaba, Somaliland ayaa horey sidan oo kale toogasho uga fulisay deegaannadeeda, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-kaii xabsiga Mandheera loogu toogtay lix nin oo lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen maamulkaasi.