Somaliland oo toogasho ku fulisay 6 qof + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa maanta toogasho ku fuliyey illaa lix ruux oo horay maxkamadaha ku yaalla maamulkaasi xukun dil ah ugu rideen.

Ragga la toogtay ayaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay oo dhammaan hoostaga Somaliland.

Toogashada ayaa saaka ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ehellada ragga la toogtay ay aad uga xumaayeen toogashada, kuwaas oo ku doodaya in si sharci darro ah loo xukumay raggaasi.

Falka toogashada ah ee Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii ugu horreeyey inta la xasuusto taariikhda casriga ah.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay

1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco

2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle

3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco

4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa

5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley

6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa.