Somaliland oo war cusub ka soo saartay go’aankii xiriirka loogu jaray dalka Guinea

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlayay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jirtay dalka Guinea ayaa marka hore tallaabadaasi ku tilmaamay mid khalad ah.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay in dowladda federaalka ay Somaliland ku heyso go’doon, kana soo horjeedo horumarkeeda.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay in go’aankan uu cadaawad hor leh ka dhex abuurayo Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Faratoon oo ku sugan Guinea ayaa intaasi raaciyey in Soomaaliya go’aankani ay ku weyn karto xiriirka dalal badan.

Waxa kale uu carabka ku dhuftay in Somaliland haatan xiriir wanaagsan ay la leedahay dalal dhowr ah oo ku yaalla Africa, islamarkaana ay sii hormarin doonto.

“Waxaa na soo gaadhay in maamulka Xamar sida ay yidhaahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yidhaahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay. Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay” ayuu yiri wasiirku.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay in gabi ahaan ay xiriirka u jirtay dowladda Guinea, kadib markii si maamuus leh ay u soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland oo haatan booqasho ku jooga gudaha dalkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com