Meyd muddo bil ka badan yaalla Muqdisho + sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ehellada askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo bilowgii bishii hore lagu dilay degmada Xamarweyne ayaa sheegay in weli aan la aasin Meydka Marxuumka.

Nabadoon Xaaji Xasan Calasow Gaab oo la hadlay Warbaahinta, kana mid ah ehellada Marxuumka ayaa sheegay in muddo 32 cisho ah haatan uu yaallo Meydka.

Waxa uu tilmaamay in Qaboojiyo uu ku jira Meydka, islamarkaana ay socoto dood iyo baaris la xariirta sidii loo dilay askarigaasi.

Sidoo kale Nabadoon Gaab ayaa sababta ay u aasi la’yihiin ku sheegay in aysan weli arag cid ay kala xisaabtamaan dilka loo geystay wiilkooda.

Nabdoonka ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay dad u soo xirtay kiiskaasi, balse aan weli go’aan laga gaarin.

Dhacdadan kadib dowladda ayaa guddi gaar ah u xil saartay arrintan, gaar ahaan Madaxweynaha si ay u soo sameeyaan baaritaan dheeraad ah.

Illaa iyo haddase ma jirto wax ka soo baxay baaritaanka guddigaasi oo haatan quus ay ka muujinayaan ehellada.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in askariga la dilay xilliga la tooganayay uu dhac ka geysanayay Suuqa Xamarweyne, taas oo ay si weyn uga biyo diideen ehelladiisa oo hadda go’aan ku gaaray in aan la aasin Meydka, inta laga cadeynayo kiiska wiilkooda.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com