Diyaargarowga doorashada Jubbaland oo meel sare mareyso iyo Musharixiin berri gaarayo Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online)- Iyadoo Musharaxiin fara badan ay ku siii ququlayaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan Tartanka Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la Filayaa in maalinta Beri hadii uu eebe Idmo in Magaalaaas uu gaari doono Musharax kamid ah Masharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland  waa Mudane  Maxamed Ismaaciil Shuuriya

Musharax Shuuriye waxaa uu sheegey in hadii loo doorto Xilka Madaxweynaha  Jubbaland uu isbedel weyn la imaan doono gaar ahaan Dhinaca Amaanka , Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, adeegyada kale ee Bulshada iyo isku xirka Deegaanada Maamulka Jubbalanad

Mudane Shuuriye oo ah Shaqsi Taageero badan ku leh Deegaanada Jubbaland isagoo kamid dadkii Dhidibada u taagey Maamulka Jubbalana waxaana uu Tartankaan Doorashada halku dhiga uu uga qayb galayo uu yahay “ XALKA JUBBALAND WAA XIKMAD IYO XASILOONI

Musharax Shuuriye waxaa uu ka Codsadey Xildhibaanada Jubbaland in ay Codka Siyaan Shaqsiga u qalma in uu Hogaamiyo Maamulkaas iyagoo ka eegaya Khibradiisa Siyaasadeed iyo aqpoontiisa maadaama maanta Jubaland u baahan tahay  qof samatabixiya oo isku keeni kara Dhamaan dadka ku nool Deegaanada Jubbalanad.

Hadaba waa kuma Shuuriye?

waxaa uu ahaa  Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii Dowladii Xasan Shiikh isla markaana waxaa uu ka noqdey WasIir ku xigeenka Hawlaha guud iyo dib u dhiska XukumadIi Cabdi weli Shiikh Axmed.

Shuuriye wuxau kamidaa shaqsiyadkii dhidibada u dhigay dhismihii Maamul Goboleedka Jubaland, waxaana Magaalada Kismaayo ka socdo  Diyaargarow weyn oo  loogu jiro  soo dhaweyntiisa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com