DF Soomaaliya oo shaacisay sababta shirkadda Favori loogu kordhiyey qandaraaska

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay sababta ka dambeysa in markale Qandaraaska loo kordhiyey shirkadda Favori oo maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo faah faahiyey heshiiskan ayaa sheegay in dib u dhis ay shirkaddu ku sameyn doonto dhismaha garoonka.

Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Favori lacag dhan 14 Mliyan ay ku maal gelin doonto Aadan Cadde, taas oo lagu hormarinayo adeegyada garoonka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqadan lagu qaban doono muddo 2 sano, sida ku cad heshiiskan oo ay shalay saxiixeen golaha wasiirada Somaaliya.

Wasiir Oomaar ayaa inaasi ku daray in sababaha loo kordhiyay heshiiska shirkaddan uu yahay, markii ay xukuumaddu aragtay, sida uu kordhay duulimaadka gaaroonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Favori ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku heysay garoonka Aadan Cadde.

Muddada ay shirkaddani ka howlgaleysay Muqdisho ayaa waxaa ay isbedal xoog leh ku sameysay shaqada garoonka oo ay ku soo biireen shirkado caalami ah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com