Somaliland oo war cusub ka soo saartay wada-hadaladii Jabuuti, guulna ka sheegatay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war cusub kasoo saartay kulankii shalay ka furmay dalka Jabuuti ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay inay guul ka gaartay kulankaasi la rumeysan-yahay inuu kusoo dhamaaday fashilka ee isku hor-fadhiisteen Soomaaliya, maadama ay si cad ugu soo bandhigeen shirkaasi waxyaabihii ay tabanayesay Somaliland iyo qadiyadeeda gooni isu-taaga, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo saaka u warameyay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa xaqiijiyey inay kulankaasi ay hareeyen caqabado dhowr ah, walow uu ka gaabsaday inuu caraboobo.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu weli socdo kulamada labada dhinac, inkasta oo dalkaasi ay ka amba-baxeen qaar kamid ah madaxda labada dhinac, iyadoona uu saaka dalkaasi ka dhoofay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka ayaa aaminsan in shirka Jabuuti uu ka duwan-yahay shirarkii hore u dhexmari jiray Somaliland iyo Soomaaliya, maadama ay qeyb ka yihiin dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Mareykanka.

Faratoon ayaa si cad u sheegay inaysan marnaba kulankaasi aysan ka dhalan doonin midnimo, isla markaana ay qadiyadooda gooni goosadka ah ee ay ku doodan u bandhigeen beesha caalamka oo goob-joogayaal ka ahaa kulankaasi.