Muxuu yahay shirka uu ku baaqay Saciid Deni ee kahor doorashada 2020/2021?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 46-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya inay gacan bidixineyso doorashooyinkaasi, si ay u sameysato muddo kororsi hor leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dano siyaasadeed ka leedahay sharciga doorashooyinka ee la meel-mariyey, wuxuuna ka dalbaday golaha wakiilada Puntland inay gabi-ahaan laalaan sharcigaasi, maadaama aan laga talo-gelin sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay saamileyda siyaasadda  inay isugu yimaadaan shirweyne ballaaran, si looga tashado aayaha dalka iyo sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

Deni ayaa sidoo kale carabka ku goday in dowladda Soomaaliya ay diiday gogol u dhigay si wada-hadal loogu dhameeyo khilaafaadka hadda jira.

Ugu dambeyn soo hadal qaaday shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo shaaciyey in Puntand aysan qeyb ka aheyn shirkaasi, islamarkaana aysan aqoonsan doonin wixii ka soo baxa.

“Waxaan cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin natiija ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo Somaliland oo aysan Puntland qayb ka ahayn. Puntland waxaa Somaliland kala dhexeeyo khilaaf dhuleed taas oo u baahan inaan xal ka gaarno.” ayuu khubadiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleeda Puntland, Mudane Siciid Deni.