Senator Iftin Xasan Baasto oo bedalay mowqifkiisii hore iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa bedalay mowqifkiisii hore, isaga oo sidoo kale hal arrin ku taageeray dowladda Soomaaliya.

Iftin Baasto ayaa sababta uu ku bedalay mowqifkiisa ku sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo uu xaliyey tabashadii uu qabay oo aheyd inuu xal siyaasadeed la gaaro dowlad goboleedyada uu khilaafka kala dhexeeyo dowladdiisa.

“In wixii gocashadeena aheyd uu xaliyo ayuu go’aansaday oo ah dowlad goboleedyada uu khilaafka kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya uu la heshiiyo, kadib in buuqii aan ku sameynay maalin hore.” ayuu yiri Senator Ifin Xasan Baasto.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Markii hore waxaan qabay fikir ah miro geed saaran miro gunta ku jira looma daadiyo”

Dhinaca kale Sanator-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo dhoweeyey shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan horay loo qaaday, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahnaa in mar hore la sii amba-qaado wada-hadalladaasi.

Senator Iftin Xasan Baasto oo deegaan doorashadiisa ay tahay Jubbaland ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii dhowaan ku buuqay madaxweynaha Soomaaliya, kadib furitaankii kalfdhiga todobaad, labada aqal ee baarlamaanka federaaalka ah ee Soomaaliya.