Xog: Boqolaal askari oo lagu soo tababaray dalka Eritrea oo laga soo dejiyay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo dorraad ka soo dagaya boqolaal Askari oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil dowladda ka tirsan.

Ciidankaan oo muddo dheer ku maqnaa dalkaas ayaa wax war ah laga heynin mudadii ay maqnaayeen, waxaana waalidiinta dhalay looga kaxeeyay in la geyn doono dalka Qatar, oo halkaas lagu soo tababari doono.

Diyaaradii Sabtidii soo degtay oo laga leeyahay dalka Eritrea ayaa keentay ciidan lagu sheegay ilaa 250 Askari, waxayna Muqdisho ka qaaday shalay dhalinyaro kale oo tababar loo rabo.

Sidoo kale diyaarad kale ayaa shalay ka soo degtay garoonka Muqdisho waxaana la sheegay iney keentay ciidan kale oo tababar ku soo qaatay Eritrea.

Ciidanka tababarka soo qaatay ayaa la sheegay in ay qabaan tababar gaar ah waxaana loo qorsheeyay ilaalinta doorashooyinka Soomaaliya halka siyaasiinta qaar ay sheegeen in loogu talagalay in lagu caburiyo siyaasiinta iyo musharaxiinta.

Si rasmi ah looma oga tirada guud ee ciidankaan hasa yeeshee warar qaar ayaa sheegaya iney gaarayaan ilaa dhowr kun oo askri.

Dhowr bilood kahor ayaa warbaahinta waxaa qabsaday hooyooyin Soomaaliyeed oo ka cabanaya in wiilashooda loo qaaday Eritrea aysan muddo bilo ah war ka hayn. Hooyooyinkaas ayaa markii dambe si gaar ah loola hadalsiiyey wiilashooda, kuna qancay.