Hal arrin oo madaxtooyada Somalia ku qasaabtay inay aqoonsato Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxweyne kumeel gaar ah u aqoonsatay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kaas oo ay doorashadiisa diiday sanadkii hore.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay tallaabadan qaaday kadib lagu cadaadiyay ogolaanshaha iyo tanaasulka khilaafka Jubbaland.

Xubnaha beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo xafiiska QM ee Soomaaliya, ayaa dowladda Soomaaliya ku cadaadiyay iney tanaasul sameyso si loo sii amba qaado arrimaha doorashooyinka loona qabto shir wadahadal ah.

Safaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa isla shalay soo dhaweysay aqoonsiga dowladda federaalka ee madaxweynaha Jubbaland iyo shirka wadatashiga ah ee madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyey, kaas oo la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowaldda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay sharuud ka dhigeen in shirka maamul gobaleedyada iyo dowladda ay ka qeyb noqoto Jubaland ama aysan ka soo qeyb geli doonin dadaalada doorashada Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa garowsatay inaysan suurta-gal ahayn in Soomaaliya laga qabto doorasho aysan qeyb ka ahayn Jubaland iyo Puntland, taasi oo dhalisay inay cadaadis xooggan saaraan madaxtooyada Soomaaliya.